رئيس التحرير

محمد الأمين محمد الهادي

يصدرها مكتب الإعلام في

جمعية المؤاخاة

العدد 27- السنة الثانية - 1/12/1999م

 

المنــتــــدى

المؤاخاة والوطنية

الرسالة الأولى من الأخ منصور الجابري

assalaamu caleekum


Baraawe wa gobol yar oo ka mid ah waddanka ween oo la yeraahdo Soomaalya , saas darteed waxa idin kufiicneed in aad iskadhaaftaan isluubkaan oo ulajeeddaddiis midib takoor ay tahay , xagga taariikhda haddi loofiirsado barawe waxa degti qolo oo ka imaadday meelo tira badan saas darteed dagaalka markii soomaalya kadhacay dad badan aya ka cararay Soomaalya oo dhan Baraawe kaliggeda laga macarrarrin , majiro wax jaaliyad Barawi layeraahdo dhulka oo dhan waa Soomaalya saas darteed waddanka Soomaaliyeed qof kaliyeh ma ugoano Soomaalida dhan aya isla leh dadka heer Baraawe wa kamid yihiin , waa wax loo baahneen in taariikhda lagu cayaaro oo magac cusub loo labaxo oo ah jaaliyadda heer Baraawe maxaa yeelay jinsiyyad oo heer baraawe layeraahdo majirto waxa idin kufiicneed in aad magaca shacbiga Soomaaliyeed aad kuhadashaan inti aad ummaadda aad kalabixissan waane ogtihiin heerka ay soomaalya hadda mareeso oo qabiil kasto dawlad dhinac kusameesati haddaneh heer Baraawe ayaa dawlad gooni inay sameestaan ay rabaan wa dhib oo aan dhib ka dambeen , sidaas darteed waxaan idin karabaah in aad i ogeesiisaan ulajeedaddiini waxa ay tahay sidi aan ku ogaano haddi aw jiro shacbi oo la yeraahdo shacbiga baraawe ,nabad geliyo.

Mansuur Al-jabiry

السلام عليكم، وبعد:

براوة منطقة صغيرة من الوطن الكبير الذي يطلق عليه " الصومال"، لذا كان من الأحسن لكم أن تتركوا هذا الأسلوب الذي يهدف إلى بث روح العنصرية ، إذا نظرنا من الناحية التاريخية فإن براوة تقطنها فئات جاءت من أماكن متعددة، ولذا فعندما حدثت الحرب الأهلية هاجر الكثيرون من الصومال وليس من براوة وحدها.

ليست هناك جالية براوية ، والأرض كلها أرض الصومال ولا تختص فئة ما بأرض الصومال فهي لكل الصوماليين ومن ضمنهم البراويون.

فلا ضرورة لأن تطلقوا تسمية " الجالية البراوية " لأنه لا توجد هناك جنسية براوية وكان الأحسن لكم أن تتحدثوا باسم الشعب الصومالي بدلا من بث الفرقة بين الأمة وأنتم تعلمون الأوضاع التي تمر بها الصومال حيث أعلنت كل قبيلة دولة بنفسها، فهل وصل الأمر بأن ينادي البراويون بدولة خاصة إنها لمصيبة ما بعدها مصيبة.

لذا أريد منكم أن توضحوا لي أهدافكم حتى نعرف إن كان هناك ما يسمى بالشعب البراوي.

والسلام

منصور الجابري

 

Date: Thu, 18 Nov 1999 24:30:18 EAT

رد رئيس تحرير " المؤاخاة" / محمد الأمين

Walaal aljabiri,Assalaamu aleykum,

Aad iyo aad ayaan kugu mahad celinayaa sida wanaagsan ee saraaxadda leh ee aad ku cabbirtay arragtidaada.waxaa laga yaabaa inaad la yaabto haddii aan ku iraahdo in waxa aad sheegtay oo idil waa run iyo xaqiiqad aan sina dhinac looga mari karin, anigoo ah ninka webkan diyaariyey,balse waxaan la yaabanahay sida carada leh ee aad noogu naqdisay ayadoo dambiga keliya uu yahay inaad ereyadeena si qalad ah u fahamtay.baraawe waa magaalo ka mid ah waddanka soomaaliyeed ee wayn, waxay leedahay taariikh dheer oo la wada og yahay, lana inkiri karin, dadka deggan ayagoo dhinacyo badan ka kala yimid hadana waxaa la isku dhahaa reer baraawe oo magaaladaa loo nisbeeyaa looma nisbeeyo qabiil iyo wixii la mid ah sida dadka kale, weligoodna dagaalada qabiil ee ka socda soomaaliya kama qayb qaadan, waxayna rumeysan yihiin inay ummadda soomaaliyeed kamid yihiin dhibka helay ayaa ayagana helay, waxa oo keliya aay dheer yihiin in aay dagaal gelin.Weligood gumaysi iyo wixii lamid ah bay la dagaali jireen, waxaaa taas daliil kugu filan in halyeyga hoggamin jirey SYL C/qadir Sakhawadiin oo guusha gobanimada u hoyey dalka Soomaaliya uu ayaga yahay.Marka marna nagama maqleysid inaan nahay ummad mise qawmiyyad kale, qofkii sidaas yiraahdana ogow maskaxda in looga jiro uusan sinaba u mataleynin reer baraawe.Laakiin ayadoo sidaas ah waxaay reer baraawe xaq buuxa u leeyihiin inaay sameystaan website sida aay gobollo badan ba sameeysteen qofna uusan u diidin, hadii aad gashay internetka wax badan ayaad ka aragtay, maxaa yeelay gobol kasto dadka kunool waxay wadaagaan dhaqan, lahjad, aragti guud ee nolosha iwm. sidaa darteed hadeey kuhadlaan magaca gobolkaas ma aha micneheeda inay dawlad gaar ah rabaan.marka aan leenahay “jaaliyadda reer baraawe” micneheedu ma aha "Qawmiyadda" baraawe, ee waxaan la hadleynaa dadka dibdda jooga ee ka yimid magaalada baraawe, kana mid ah jaaliyyadda weyn ee Soomaalida.hadii sida aad u fesertay arrimaha loo fesero waxaa xitaa la oran karin " Jaaliyadda Soomalida" ileen soomaalida waa qayb ka mid ah Ummadda carabta, sidoo kale lama oran karo "jaaliyadda carabta ee dibdda jooga" ee waxay ka mid yihiin ummadda Islaamka.marka adigoon xanaaqin waxaan rajeynayaa inaad hubsato oo aad nagu tuhmin inaynunahay qarandumuyeyaal.Haddii aad afcarabiga taqaan waxaan kugu soo dhoweyn lahaa inaad booqato safxadeyda gaarka ah:

http://www.khayma.com/nuqush

halkaas oo aad ka aqrisan karto gabayo af carabi ah oo meel kasto lagu qoray oo wadaninimada soomaaliyeed aan ku faanno muujineysa.

Walaal waxaad hilmaantey micnaha “ALMUAKHT” af carabi ahaan waa “ WALAALEYN” marka waxa ujeeddadeenu ay tahay magaca ayay ku caddahay.sidaa awgweed waddaninimada hadii aanan ka badin dadka kama liidanno.waxaan diyaar u ahay inaan arko, maqlo mulaaxadaadkaada mar kale, nagalana qayb gasho soo saaridda safxadan ee aad noo soo dirto wararka soomalida joogta yemen.waxaad geli kartaa bogga aqristaha "رأي القارئ" oo aad ku qori karto ra'yigaaga.

Mahadsanid.

Walaakaa : Al-amin

أخي الجابري. السلام عليكم ، وبعد:

أشكرك غاية الشكر على صراحتك التي عبرت بها وجهة نظرك.

ربما تستغرب إذا قلت لك– وأنا الشخص الذي أعد هذا الموقع - أنك صادق في كل ما قلت وهو الحق الذي لا محيد عنه، لكني مندهش للأسلوب الغاضب الذي نقدتنا به بينما كل المشكلة أنك فهمت كلماتنا خطأ.

براوة منطقة من الوطن الصومالي الكبير، ولها تاريخ طويل ومعروف لا يمكن إنكاره، والقاطنون في هذه المنطقة رغم كونهم قدموا من مناطق عديدة إلا أنهم يسمون بالبراويين فينسبون إلى المنطقة ولا ينسبون إلى القبيلة كما هو الشأن عند الآخرين من الصوماليين، ولم يشاركوا قط في الحرب القبلية الدائرة رحاها في الصومال، ويعتقدون بأن ماجرى لهم جزء من المصيبة العامة التي حدثت لجميع الصوماليين إلا أنهم يتميزون بأنهم لم يشاركوا في الحرب الأهلية.

وكان البراويون دائما يحاربون المستعمر (للأرض الصومالية) بدليل أن البطل الذي قاد حزب الشباب الصومالي السيد عبد القادر سخاء الدين والذي أحرز الاستقلال بنضاله كان منهم.

ولذا فلن تسمع منا أننا أمة أو قومية دون الأمة الصومالية، ومن ادعى ذلك فاعلم أن به مس من جنون، ولا يمثل أبناء هذه المنطقة.

ولكن مع كل ذلك فإن لأبناء هذه المنطقة أن ينشئوا موقعا في الإنترنت كما فعلت مناطق كثيرة ولم ينكر عليها أحد، وإن كنت قد جبت في الشبكة فقد رايت منها الكثير، لأن كل سكان منطقة يشتركون في ثقافة ولهجة ونظرة عامة للحياة .. إلخ. فإن تحدثوا باسم هذه المنطقة فليس معنى ذلك أنهم ينادون بدولة منفصلة.

عندما نقول " الجالية البراوية" لا نعني بها " القومية البراوية" بل نتحدث أو نوجه حديثنا إلى أبناء المنطقة الموجودين في المهاجر المختلفة خارج الصومال وهم جزء من الجالية الصومالية الكبيرة.

وإذا فسرت الأمور حسب مفهومك فإنه لايمكن إطلاق كلمة " الجالية الصومالية " لأن الشعب الصومالي جزء من الأمة العربية، وكذلك لا يمكن أن يقال " الجالية العربية " لأن الأمة العربية جزء من الأمة الصومالية.

لذا نرجو منك أن تتبين قبل أن تستشيط غضبا وتتهمنا بأننا نهدم كيان الوطن.

إن كنت تجيد العربية فأنا أرحب بك في موقعي الخاص:

http://www.khayma.com/nuqush

حيث باستطاعتك قراءة قصائد كتبت بالعربية توضح جليا افتخارنا بالوطنية الصومالية.

أخي العزيز ، لقد نسيت معنى كلمة " المؤاخاة " وهي تعني بالعربية ما تعني، إذن فأنت واجد أهدافنا في الاسم الذي نحمله، لذا فنحن إن لم نكن أكثر الناس وطنية فلسنا أقلهم.

وأنا مستعد لرؤية وسماع ملاحظاتك مرة أخرى، وأن تشاركنا في تحرير هذه الصحيفة بإرسال أخبار الصوماليين الموجودين في اليمن.

ويمكنك دخول صفحة " رأي القاريء" حيث يمكنك كتابة رأيك بكل حرية.

وشكرا.

أخوك / الأمين

 

رد الأخ منصور الجابري

Date: Thu, 18 Nov 1999 20:33:38 EAT

أخي الأمين،

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته.

اشكرك على ردك السريع الذي أوضحت لي فيه اهداف جمعيتكم ، وبالرغم من عدم اقتناعي به لكنه بين لي أن لي الحق في إبداء رأيي فيما يخص المصالح الصومالية لأني من الأقليات العربية المولدة في مقديشو، ومع ذلك فلا أستطيع إنكار فضل الصومال علي .

عندما مخلت وقرأت موقعكم كتبت ملاحظاتي في "راي القارئ" لكنك رددت علي عن طريق البريد الألكتروني فحولت المسألة إلى سجال شخصي وهذا خطأ وكنت أستحسن أن يتم نشر ملاحظاتي في "رأي القارئ" وتذيلها بردك.

أخي الأمين . لقد نسخت جميع محتويات موقعكم ولدي ملاحظات كثيرة عليها يمكن أن نستفيد منها أنا وأنت ولذا فأنا على استعداد للدخول معك في حوار شخصي أو عام ينشر في " رأي القارئ" فتستفيد منه الجالية البراوية والشعب الصومالي عامة وكذلك الأمة العربية عامة، ومن مبادئ الحوار أن يكون هناك اختلاف في الراي بين المتحاورين حول الموضوع الذي يجري الحوار فيه، ولكني أظن أننا في النهاية سنستفيد من النتيجة أنا وأنت وجميع الناس. وأنا معترف بأني أقل منك علما ولذا فأنا أريد ان اصل معك إلى الحقيقة .

أنا في انتظار ردك ، وليكن نقاشنا شخصيا نستطيع الاستفادة منه .

أحوال الجالية الصومالية من اللاجئين في اليمن لا يمكن الحديث عنها وأنت تعرف ما يمر بها .

مع السلامة.

الجابري

Walaal Alamiin ,
Alsalaamu caleekum waraxmatullaahi wabarakatto ,
waxaan kuugu mahdinayyah jawaabka deg degga ah ood iigu caddeysay ulajeddada jimciyyadiini laakin anigoo oo aan ku qancin waxa aad ii caddeesi anigu xaq ayaan uleeyahay in aan rayi kudarsado wixii oo xiriir ula leh danaha Soomaalya maxaa yeelay anigu waxaan kamid ahay aqalliyyada carbeed oo kudhalatay xamar , saas iido eh laakin mainkiri kari fadhliga ay Soomaalya igu leedahay .. markii aan websitkiini aan akhriyay jawaabteedi iyo mulaaxadhatkeegi ayaan uqoray ray alqaari laakin adiga waxaad jawaab igu soo celisay cinwaankaaga waxaad ugedisey masaladda in ay rayiy shakhsi ay tahay taas neh wa qalad waxaa igu fiicneed in rayigeegi lugu qoro ray alqaari iyo jawaabtaada aad kadaba geysid ,
Walaal alamiin .websitkiini wixii kuqoran dhan ayaan masawwiray waxana kaqabaah mulaaxadhooyin badan oo ay faaido badan aan kagaari karno aniga iyo adiga saas darteed anigu waxaan mustacid u ahay in aan kuulagalo xiwaar oo shakhsi ah misa xiwaar lugu qoro ray alqaari oo jaaliyadda heer baraawe misa shecbiga soomaaliyeed oo dhan iyo ummadda carbeed ka faaideesato , xiwaarka mabaadidiisa waxaa ka mid ah in haddi mawdhuuc laga hadlaayo in khilaaf aw dhax galo dadka hadlaayaan laakin natiijada waxaan umaleenayyaah in aan ka faaideesan doonno aniga iyo adiga iyo dadka oo dhan , aniguneh waan ictiraafsanahay in aan kaa cilmi yarahay laakin saas darteed ayaan rabaah in xaqiiqada aan kuu lagaaro , jawaabtaada ayaan ubaahanahay niqaashkeeni neh ha ahaado shakhsi oo aan ka faaideesan karno .
axwaalta jaaliyadda Soomaaliyeed oo joogto yemen waa axwaal aan laga hadli karin adiganeh wa ulasocotaah heerk ay mareeso . Maca lsalaama
Aljabiri,,,,,,,,,,


 

رد رئيس تحرير المؤاخاة / محمد الأمين

Date: Fri, 19 Nov 1999 00:52:34 EAT

أخي الجابري.

السلام عليكم ،

سررت جدا للرد الذي استلمته منك.

اعلم أني كتبت ردي على ملاحظاتك في نفس المكان الذي نشرت فيه ملاحظاتك وذلك قبل أن أبعثه إليك بالبريد الألكتروني، وما كنت لأبعثه لك لو علمت أنك ستدخل إلى الموقع.

إنك كتبت ملاحظاتك في سجل الزوار، وإن كنت تريد نشر ما تكتب في راي القاريء فما عليك سوى الضغط على زر رأي القاريء وبإمكانك بعد ذلك كتابة ما تشاء.

ومن هناك نواصل حوارنا. وإن كان بإمكانك الكتابة بالعربية فغني احبذ ذلك لأنها أساس هذه الصحيفة ، وإن لم تستطع ذلك فاكتب بالصومالية ولا ضير عليك.

وشكرا.

الأمين

walaal aljabiry,

assalaamu caleykum,

aad ayaan ku faraxsanahay jawaabta aan kaa helay.

waxaad ogaataa in aan kuqoray jawaabteyda meesha aad adiga hadalkaaga ku qortay inta aanan kuugu soo diri emailka, emailka kuguma soo diri laheyn hadii aan hubo inaad soo geli doonto webka.

hadaba adiga waxaad ku qortay سجل الزوار bogga booqashayaasha, hadii aad rabto inaad ku qorto bogga " raayil qaari'"  waxaad riixda meesha ku qoran رأي القارئ waxaad doontana waad ku qori kartaa.

meesha ayaanna kawadeynaa doodeena.

hadii aad awoodo inaad af carabi ku qorto, aad bay u fiicnaan lahayd maxaa yeelay bogga af carabi ayuu ku saleysan yahay, hadii aadan awoodinna ku qor af soomaali.

mahadsanid.


 

رد الأخ منصور الجابري

Date: Fri, 19 Nov 1999 10:52:34 EAT

أخي الأمين.

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته.

شكرا لك، لقد تبين لي انك توافق على الأسلوب الحضاري للحوار بين الرأي والراي المضاد، ولذا فليس عندي مانع من أن نتناقش في " راي القارئ" حتى نبين الحقيقة للقراء.

من جانبي سأبذل جهدي في إيصال عنوان الموقع إلى كل أصدقائي حتى يشاركونا الراي ، واللغة التي سنتحاور بها هي اللغة العربية.

مع السلامة وفي أمان الله .

والسلام عليكم .

الجابري.

Walaal Alamiin,
assalmu caleekum waraxmatullaahi wabarakatoh
Mahadsanid , waxaa ii caddaatay in aad oggashahay isluubka xadaariga ah oo eh rayiga iyo rayiga ka hor jeeda, saas darteed wax kamaqabo in aan ku doodno ray alqaari , sii aan xaqaaiqda dadweenaha ucaddeeno ,xaggeegi waxaan kudadali doonaah in aan websayitka cinwaankiisa in aan gaarsiiyo wixii saaxib i ah si ay nooga rayiy darsadaan , afka oo aan kudoodi doonno waxa waaye afka carbeed .
Nabad geliyo iyo amaan allaah aan isku ognahay walsalaamu caleekum
Aljabiri,,,,,,,,,,,,


 

          عـودة

افتتاحية العدد

 

أخــبار المـؤاخـــاة

 

أخـــبار العــالــــم

 

أخــبار الصـومــال

 

ثقـافـة واجـتماع

 

المـنتـــــــــــدى

 

سجــل الـــــزوار

 

مـقــــــــــالات